Camey “Haraadi baa ku soo haray Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, waqtigoodii waa…”

Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey ayaa weerar afka ah ku qaaday Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada, isagoo ku eedeeyay in aysan dooneyn in Soomaaliya ay mid noqoto.

Wareysi uu siiyay mid ka mid ah Telefishinada maxaliga ayuu sheegay in Golaha Iskaashiga uu waqtigooda dhamaaday, isla markaana ku soo hareen xubno kooban, kaddib markii ay ka baxeen Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.
“Haraadi baa ku soo haray, nimankan la baxay Golaha Iskaashiga, waqtigooda waa sii dhamaanayaa, shalay markii ay is magacaabayeen iyo maanta isku mid ma ahan, Hirshabeelle horay uga baxday, Shariifkii waa kii is casilay, nimanka hada ku soo haray laftigooda doorasho ayaa ku soo wajahan”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin Camey.
Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin Camey ayaa inta badan dhaliili jiray Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaa sanadihii u dambeeyay jiray mad madow u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo dhowr arrimood ay isku diidanayaan.
C/xakiin Camey ayaa la sheegaa inuu xiriir dhow la leeyahay Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo taageersanaa siyaasadda dowladda Federaalka, mar walbana ka soo horjeeday dhaq dhaqaaqyada maamul goboleedyada wadeen.

Comments

Popular posts from this blog

‘Fadlan soo celi’ – Odawaa oo Farmaajo ka dalbaday inuu soo celiyo 13 waxyaabood

Dag dag beelbeelaha dago gobolka ayaa ka hortimid maamul i dhisida gobolka gedo

waare oo ka qeyb galay kulanka dhinaca Internet-ka uu soo qaban qaabiyay UN-ka