Posts

Showing posts from November, 2018

Wasiir Khadiijo “Imaanshaha Guddoomiye Mursal waxba kama bedeli karto qoraalka uu ku saxiixan yahay Guddoomiye Muudeey”

Image
Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in imaanshaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo dibadda ugu maqan howlo u gaar ah aanay waxba ka bedeli doonin kala diridii Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Muudeey ku sameeyay Guddiga Maaliyadda iyo Miisaniyadda. Qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Facebook ayay ku tiri” “Imaanshaha Guddoomiye Mursal waxba kama bedeli karto qoraalka uu ku saxiixan yahay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey” Hadalka Wasiir Khadiijo ayaa u muuqda mid jawaab u ah hadalo ka soo yeeray qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, kaasoo sheegaya in Guddoomiye Mursal uu ka soo horjeedo kala dirida Guddiga Maaliyadda. Inkastoo la sheegay inay sharci darro tahay kala dirida uu Guddoomiye C/weli Muudey ku sameeyay Guddiga Maaliyadda, hadana waxaa la ogeyn go’aanka uu qaadan doono Guddoomiye Mursal oo qudhiisa lagu xagliyo inuu u janjeero...

Camey “Haraadi baa ku soo haray Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, waqtigoodii waa…”

Image
Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Cumar Cameey ayaa weerar afka ah ku qaaday Golaha Iskaashiga maamul goboleedyada, isagoo ku eedeeyay in aysan dooneyn in Soomaaliya ay mid noqoto. Wareysi uu siiyay mid ka mid ah Telefishinada maxaliga ayuu sheegay in Golaha Iskaashiga uu waqtigooda dhamaaday, isla markaana ku soo hareen xubno kooban, kaddib markii ay ka baxeen Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed. “Haraadi baa ku soo haray, nimankan la baxay Golaha Iskaashiga, waqtigooda waa sii dhamaanayaa, shalay markii ay is magacaabayeen iyo maanta isku mid ma ahan, Hirshabeelle horay uga baxday, Shariifkii waa kii is casilay, nimanka hada ku soo haray laftigooda doorasho ayaa ku soo wajahan”ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin Camey. Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin Camey ayaa inta badan dhaliili jiray Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaa sanadihii u dambeeyay jiray mad madow u dhaxeeyay isaga iyo Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo dhowr arrimood...

Xildhibaano dacwad ka gudbiyay Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cawad (Akhriso)

Image
Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalle Cawad ayaa dacwad laga gudbiyay, iyadoo lagu eedeeyay qaab qaldan uu u maamulay kulankii Baarlamaanka ee Sabtidii la soo dhaafay, isla markaana ku xadgudbay xeer hoosaadka Baarlamaanka. Qoraal uu qoray Xildhibaan Mahad Salaad ayuu kaga dalbaday Guddoonka Baarlamaanka inuu tallaabo sharci ah laga qaado, isagoo u cuskaday qodobo ka mid ah dastuurka. Waxaa kaloo ku eedeeyay inuu Guddoomiye kuxigeenka 1aad uu siyaasadeeyay shaqooyinka Guddiyada Baarlamaanka ee kor joogteynta iyo la xisaabtanka ay u xilsaaran yihiin. Halkan hoose ka akhriso:-

Madaxweyne Farmaajo “Siyaasiyiinta xanaaqsan waali ayay ku dhow yihiin, xanaaqii baa ka batay”

Image
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mar kale si kulul u weeraray siyaasiyiinta mucaaradka ku ah dowladdiisa, isagoo ku tilmaamay inay waali ku dhow yihiin. Isagoo xalay kula hadlayay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayuu sheegay inuu dhamaaday waqtigii siyaasiyiinta xanaagsan. Madaxweyne Farmaajo ayaa difaacay horumarka dowladdiisa ka sameysay nidaamka maaliyadda dalka oo dhowaan ay soo baxday eedeymo la xiriira musuq maasuq iyo lacag fara badan oo la waayay, taasoo shaki badan dhalisay. “Siyaasiyiinta xanaaqsan maalmo hore waxay wadeen inay yiraahdaan dowladda waa ku fashilantay Amniga, dalka waa la qabsaday, hadda taas waa shaqeyn weyday, hadda waxay yiraahdeen nidaamka Maaliyadda waa fashilmay, dad badan oo shiheeye ah oo awal na gacan bidxeyn jiray ayaa noo qiray, waxay arkeen dhaq dhaqaaqa xisaabta in anaga amaanadii umadda noo dhiibatay aan u ilaalino,  IMF, World Banka iyo Midowga Yurub, ...

Guddiga ka socday Golaha Ammaanka Afrika oo gaaray magaalada Baydhabo

Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadgalyada ee Afrika oo qiimeyn ku sameynaya arrimaha amaanka iyo siyaasada dalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed(Eelay) iyo mas’uuliyiin kale. Wafdigan oo uu horkacayo safiirka dowlada Jabuti u fadhiya Midowga Afrika ayaa kulamo kula yeeshay magaalada Baydhabo  madaxda dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya. Sidoo kale xubnaha wafdigan oo ka kooban illaa 27 ruux ayaa waxa ay la kulmeen qaar ka mid ah musharaxiinta doorashada madaxtinimada maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya iyagoo kala hadlay sidii doorashada ugu qabsoomi lahayd si ammaan ah. Wafdigan oo shalay soo gaaray dalka ayaa waxa ay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyagoo su’aalo ka weydiiyay xaalada amniga dalka iyo inay suurtogal tahay in ciidamada Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay kala wareegaan amniga...

Akhriso: Baaq laga soo saaray Shirka Dastuurka ee arrimaha xuquuqul Insaanka ee Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shirka Dastuurka ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha, Lataliyaha arrimaha Warfaafinta iyo Xiriirka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Cabdicasiis Cabdi Xaaji Gobdoon ayaa warfidiyeenka u aqriyay baaqii laga soo saaray shirka oo u qornaa sidan. BAAQA SHIRKA Shirka Dastuurka ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha oo ay soo wada qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa waxaa ka soo qayb galay qeybaha kala duwan ee matalaya dadka Naafada ah, Haweenka, dadka Matalaada Siyaasadeed aan lahayn iyo Barakacayaasha. Ka qayb galayaasha ayaa ka kala yimid dawlad goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeele iyo Gobolka Banaadir waxayna ku kulmeen Hotel SYL taariikhda 25ka – 27ka Nofeember 2018, Muqdishu – Soomaaliya. Shirka oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa isugu yimid dadkii loo baahnaa in wax laga weydiiyo lagana talo-geliyo arrimaha Xuquuqda Aadanaha....