Guddiga ka socday Golaha Ammaanka Afrika oo gaaray magaalada Baydhabo

Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadgalyada ee Afrika oo qiimeyn ku sameynaya arrimaha amaanka iyo siyaasada dalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Wafdiga waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed(Eelay) iyo mas’uuliyiin kale.
Wafdigan oo uu horkacayo safiirka dowlada Jabuti u fadhiya Midowga Afrika ayaa kulamo kula yeeshay magaalada Baydhabo  madaxda dowlad goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya.
Sidoo kale xubnaha wafdigan oo ka kooban illaa 27 ruux ayaa waxa ay la kulmeen qaar ka mid ah musharaxiinta doorashada madaxtinimada maamulka Koofurgalbeed Soomaaliya iyagoo kala hadlay sidii doorashada ugu qabsoomi lahayd si ammaan ah.
Wafdigan oo shalay soo gaaray dalka ayaa waxa ay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyagoo su’aalo ka weydiiyay xaalada amniga dalka iyo inay suurtogal tahay in ciidamada Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay kala wareegaan amniga dalkooda ciidamada AMISOM.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

‘Fadlan soo celi’ – Odawaa oo Farmaajo ka dalbaday inuu soo celiyo 13 waxyaabood

Dag dag beelbeelaha dago gobolka ayaa ka hortimid maamul i dhisida gobolka gedo

waare oo ka qeyb galay kulanka dhinaca Internet-ka uu soo qaban qaabiyay UN-ka