Posts

Showing posts from May, 2020

Dag dag bu 'aalo oo kaabiga loosarayahay

Image
DEG DEG;- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo saaka Kaabiga ku haya Bu'aalle. Ciidamada Millatariga Soomaaliya ee ku sagan Jiidaha hore gaar ahaana Guutooyinka loo diyaariyey Xoreynta Goballada Jubbooyinka ayaa saaka u ruqaansaday dhanka Magaalada Bu'aalle, waxaana laga yaabaa in ay saacad kastaa gudaha u gali karaan. Saraakiisha Ciidamada Hoggaaminaysa ayaa inoo sheegay in ay u muuqato magaalo madaxda Gobalka Jubbada dhexe ee Bu'aalle.   #Share #DifaacaDalka.

Faaajo oo si dadban u weeraray madaxdii ka horreysay – ‘3 dhibaato ayey dhaxashay dowladeyda’

Image
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weerar dadban ku qaaday madaxdii ka horreysay, xilli uu maanta ka hadlay xuska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, oo ku beegan aas-aaska ururkii SYL, 77 sano ka hor. Hadalka madaxweynaha oo lagu baahiyey qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayuu ku sheegay in dowladdiisa ay dhaxashay dhibaatooyin xooggan, isaga oo xusay saddex ka mid ah, kuwaasi oo kala ah, sida uu hadalka u dhigay: 1 – Hannaankii dhaqaale ee dalka oo aad u hooseeyey, markii uu xilka qabanayey. 2 – In looga tegay daymo tiro badan oo culeys ku hayey horumarka dalka. Valueimpression Placeholde 3 – Iyo xaalad adag oo ay ku noolaayeen kumanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay ku dhibaateysnaayeen xabsiyo shisheeye iyo xarumo qaxooti. Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay hadda gaartay guulo taariikhi ah oo ay ku wajahday caqaba dahaas, islamarkaana maanta uu muuqdo ifafaalo. Inkasta oo Farmaajo sheegay in deymo badan looga tegay, haddana ma ji...

Madaxwaynihiihore Hassan sheikh mahamud o war ka soosaray doorashada Somali

Image
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay dowladda Farmaajo iney ciyaareyso taatiko ay ku dheereysaneyso muddo xileedka , waxaana uu uga digay iney ka dhalan doonto dhibaato aan la saadaalin karin, isagoo xusay in wadanka uu qalqal galayo kuna laabanayo maalmihii madoobaa ee lasoo dhaafay. Taariikh ahaan wuxuu sheegay in Soomaaliya ay hormuud u tahay Dimuquraadiyadda Afrika oo madaxda ay xafiiska ku imaadaan hab Dimuquraadi ayna ku dhameestaan iyadoo doorasho la galayo, laakiin dhaqanka in kursiga la isku dhajiyo wuxuu ku tilmaamay inuu yahay mid aan macquul aheyn oo mudan in laga hor tago.

‘Fadlan soo celi’ – Odawaa oo Farmaajo ka dalbaday inuu soo celiyo 13 waxyaabood

Image
Muqdisho (buurdhuubonews) –  Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedeyn culus usoo jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Xildhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa Dowladda Soomaaliya u sheegay inay soo celiso lacag uu sheegay inay ka dhacday dadka reer Beledweyne. Odawaa ayaa Madaxweyne Farmaajo ka codsaday inuu soo celiyo illaa 13 waxyaabood oo uu sheegay inuu madaxweynaha ka qaatay dadka iyo dalka Soomaaliya. Odawaa ayaa Madaxweyne Farmaajo u sheegay inuu kaliya rajo ka yeelan karo inuu gaaro waqtiga doorashada haddii uu intaan arrin soo celiyo haddii kale uusan gaari doonin xilliga xil heyntiisa ka dhiman sida uu hadalka u dhigay. Ad by   Valueimpression Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu soo dhigay barta Facebook Madaxweyne CBB kursiga kuguma hayn <script data-ad-client="ca-pub-4698751783606182" async src="https://pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/ads...

waare oo ka qeyb galay kulanka dhinaca Internet-ka uu soo qaban qaabiyay UN-ka

Image
Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka qeyb galay kulan muuqaal ah oo dhinaca Internet-ka, kaasoo uu soo qaban qaabiyay Qaramada Midoobey, iyadoo xubnaha Beesha Caalamka ay qeyb ka ahaayeen. Kulankan ayaa looga hadlay caqabadaha cudurka Covid-19, qorsheynta hannaanka doorasho, Amniga, siyaasadda, xoriyadda saxaafadda. Barta Internet-ka Xafiiska Qaramada Midoobey ayaa lagu soo qoray waxyaabaha kulanka ku saabsanaa, waxaana kulankan qeyb ka yahay kulamo taxane ah oo qadka Internetka oo Qaramada Midoobey soo agaasintay oo lala yeelanayay Madaxda Soomaalida. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa isna bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu goor dhow u soo gabagaboobay shirka dhanka muuqaalka uu la yeeshay AMISOM, Safiirada Itoobiya, Midowga Yurub, Talyaaniga, IGAD, Jarmalka, Sweden, UK, UN iyo USA, kaasoo ku saabsanaa daadadka cudurka Covid-19, Amniga, saaxada Siyaasadda Xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, doorashooyinka iyo qodobo kale Madaxweyn...

War dag dag ah

Dagmada Doolow Gedo waxaa xalay aad ugu soo fatahay wabigii, wuxuuna xalay barakiyay bulshadii daganeed aagga wabiga,Biyuhuna waa kuwa  ku socdo si xawli ah. Maamulka Dagmada iyo shacabka magaalada oo is garab sanaya ayaa tan iyo xalay dabaabulid lagu badbaadinayo shacabka dhibaatada soo gaartay ka waday dagmada. Maamulka Dagmada ayaa sameeyay goob dib u dajin oo la dajinaya shacabkii guryahooda fatahaada ka soo barakacisay. Maamulka iyo shacabkuba way dadaalayaan intii tabartooda ah, waxaan ka codsanayaa Dawladda dhex, Dawladda Goballedka Jubbaland iyo dhammaan deeq-bixiyaasha in ay Bulshadaasi tabaalaysan u soo hiiliyaan.Doolow maanta waxay u baahan tahay hiil iyo garab. #StandWithDoolow

Dag dag beelbeelaha dago gobolka ayaa ka hortimid maamul i dhisida gobolka gedo

beesha bahaguuleed ayaa gaashaanka u daruuray maamuulka cusub oo dhawaan looga dhawaaqay degmada buurdhuubo kaas oo dhawaan soo dhisay ku simaha barasaabka gobalka gedo. beesha bahaguuleed oo wali wax badan xeerinayso  waxay mar laabad ku celinaysaa baaqeedii hore ee ahaa maamul aan dadka deegaanka lagala tashan inaysan aqbalayn cawaaqib xumada ka dhalatana ay qaadi doonto cidii dhistay maamulka cusub.