War dag dag ah

Dagmada Doolow Gedo waxaa xalay aad ugu soo fatahay wabigii, wuxuuna xalay barakiyay bulshadii daganeed aagga wabiga,Biyuhuna waa kuwa  ku socdo si xawli ah. Maamulka Dagmada iyo shacabka magaalada oo is garab sanaya ayaa tan iyo xalay dabaabulid lagu badbaadinayo shacabka dhibaatada soo gaartay ka waday dagmada. Maamulka Dagmada ayaa sameeyay goob dib u dajin oo la dajinaya shacabkii guryahooda fatahaada ka soo barakacisay. Maamulka iyo shacabkuba way dadaalayaan intii tabartooda ah, waxaan ka codsanayaa Dawladda dhex, Dawladda Goballedka Jubbaland iyo dhammaan deeq-bixiyaasha in ay Bulshadaasi tabaalaysan u soo hiiliyaan.Doolow maanta waxay u baahan tahay hiil iyo garab.

#StandWithDoolow

Comments

Popular posts from this blog

‘Fadlan soo celi’ – Odawaa oo Farmaajo ka dalbaday inuu soo celiyo 13 waxyaabood

Dag dag beelbeelaha dago gobolka ayaa ka hortimid maamul i dhisida gobolka gedo

waare oo ka qeyb galay kulanka dhinaca Internet-ka uu soo qaban qaabiyay UN-ka