Madaxwaynihiihore Hassan sheikh mahamud o war ka soosaray doorashada Somali
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay dowladda Farmaajo iney ciyaareyso taatiko ay ku dheereysaneyso muddo xileedka , waxaana uu uga digay iney ka dhalan doonto dhibaato aan la saadaalin karin, isagoo xusay in wadanka uu qalqal galayo kuna laabanayo maalmihii madoobaa ee lasoo dhaafay.
Taariikh ahaan wuxuu sheegay in Soomaaliya ay hormuud u tahay Dimuquraadiyadda Afrika oo madaxda ay xafiiska ku imaadaan hab Dimuquraadi ayna ku dhameestaan iyadoo doorasho la galayo, laakiin dhaqanka in kursiga la isku dhajiyo wuxuu ku tilmaamay inuu yahay mid aan macquul aheyn oo mudan in laga hor tago.

Hassan Shiekh Mohamud waqtigiisii wuudhamaystay.
ReplyDeleteWaxbadan oo qaladaada ahna waanka baranay.
Hanadaayo baranaye